

소개
“Aniga oo walaalkaa ah oo kula dhashay, kaana da’ weyn oo ixtiraam kaa mudan, waxa aad igu faquuqday ee aad iigu sheegtay wecel aan kula waalid ahayn, waa hal qodob. Waa qodob keli ah oo ka mid ah nolosha baaxadda leh ee si walba loogu kala duwanaan karo. Waa keliya in aan wixii tegay ama hore u dhacay go’aammadii aad ka qaadatay, kuwo ka duwan qaatay. Waa keliya in aan cafiska iyo ka-samridda wixii tegay u qaatay hub lagula dagaallamo nacaybka, xaqiraadda iyo cuqdadda.



