

소개
Buuggani, oo ah buuggii ugu horreeyay ee uu qoray Ustaad Cabdalla Cumar Mansuur 1977, oo dhowaanahan dib u habayn yar lagu sameeyay, wuxuu guud ahaan saafayaa astaamaha u gaarka ah maansada Soomaaliyeed, sida: qaafiyadda ama xarafraaca, miisaanka, murtida (sida: balaaqada ama af maldaheedka). Arrimahaasi waa xogta laga helayo qaybta koobaad ee buugga.



